Wednesday, August 14, 2019

Muran xoogleh ayaa ka taagan Natiijada Imtixaannaadka heer qaran ee Fasallada 12-aad ee Dugsiga Sare ee dalka ku yaala Bariga Afrika ee Ethiopia.
Wakaaladda Imtixaannaadka qaranka ee dalka Ethiopia ayaa dhawaan shaacisay Natiijooyinka ka soo baxay Imtixaankii kama dambaysta ahaa ee Fasallada 12-aad ee dugsiyada sare ee dalkaasi laakiin Natiijooyinkaasi ayaa waxa ku qanci waayay Ardaydii gashay imtixaanka iyo Waalidiintoodii taasina waxay abuurtay Jaho-wareer baahsan.
Cabashooyin Natiijada Imtixaannaadka ay ka soo celiyeen Ardayda iyo Waalidiintooda ayaa keentay in wakaaladda Imtixaaannaadka qaranka ee dalka Ethiopia ay dhegaysato Cabashooyinka markii ay ku qanacday cabashooyinka Ardaydana waxay u samaysay ballan-qaad.
Wakaaladda ayaa Arbacadii Maanta shaacisay inay dib u eegayso Natiijada Imtixaanka Fasallada 12-aad ee dugsiyada sare ee ay ardaydu ka biyo-diideen.
Wakaaladda Imtixaannaadka ayaa sheegtay inay maalmo kooban dib ugu eegi doonaan natiijada Imtixaanka Fasallada 12-aad wixii ka soo baxana ay dib ula wadaagi doonto Ardayda iyo Waalidiintaba.Muran xoogleh ayaa ka taagan Natiijada Imtixaannaadka heer qaran ee Fasallada 12-aad ee Dugsiga Sare ee dalka ku yaala Bariga Afrika ee Ethiopia.
Wakaaladda Imtixaannaadka qaranka ee dalka Ethiopia ayaa dhawaan shaacisay Natiijooyinka ka soo baxay Imtixaankii kama dambaysta ahaa ee Fasallada 12-aad ee dugsiyada sare ee dalkaasi laakiin Natiijooyinkaasi ayaa waxa ku qanci waayay Ardaydii gashay imtixaanka iyo Waalidiintoodii taasina waxay abuurtay Jaho-wareer baahsan.
Cabashooyin Natiijada Imtixaannaadka ay ka soo celiyeen Ardayda iyo Waalidiintooda ayaa keentay in wakaaladda Imtixaaannaadka qaranka ee dalka Ethiopia ay dhegaysato Cabashooyinka markii ay ku qanacday cabashooyinka Ardaydana waxay u samaysay ballan-qaad.
Wakaaladda ayaa Arbacadii Maanta shaacisay inay dib u eegayso Natiijada Imtixaanka Fasallada 12-aad ee dugsiyada sare ee ay ardaydu ka biyo-diideen.
Wakaaladda Imtixaannaadka ayaa sheegtay inay maalmo kooban dib ugu eegi doonaan natiijada Imtixaanka Fasallada 12-aad wixii ka soo baxana ay dib ula wadaagi doonto Ardayda iyo Waalidiintaba.